Saturday, 31 March 2018

WARARKII UGU DANBEYEY SOMALIYA IYO                              CAALAMKA
                MADAYS MEDIA NEWS

Wednesday, 28 March 2018

HEESTA SANAD KA DAWASHO WACAN 2018


HEESTA CUSUB EE ASAL ISGUURSADAY MAXAMED BK 2018

 HEESTA  CUSUB EE ASAL ISGUURSADAY
                 MAXAMED BK

Qooto qooto qaybteedii 43 aad qosolkii aduunka daawasho wacan


QOOTO QOOTO QAYBTII UGU QOSOLKA WAALNAYD

QOOTO QOOTO QAYBTII UGU QOSOLKA                                WAALNAYD

waa qalinkii saxafi muniir Ahmed cigaal

QALINKII MUNIIR AHMED CIGAAL: Ma Hoos hoos ayaa loo socda mise hore..?. Walle Waxan ka baqayaa inaynu qaadno sidii Nakruuma. “Dibaa loo noqonayaa wa la noqonayaa “..

Odaygii Xaji Muuse sowtan durba xisaabti ka khaldantay. Kuye Miisaniyadi hore mid ka badan ayaan keenay hadana way ka hoosaysa.. Bla ila eeg..


Hoos U Dhaca Ka Muuqda Odoroska Miisaaniyadda Sannadka 2018 oo Ay Shalay Wasiirradu Ansixiyeen.

Xukuumaddu waxay sheegtay in miisaaniyaddani ka badan tahay tii hore, hase yeeshee xaqiiqda ayaa sidaas ka duwan.

Hargeysa (Somalilandtoday)-Golaha Wasiirrada ee Somaliland ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay inay ansixiyeen oddoroska miisaaniyadda 2018 ee xukuumadda Somaliland ku shaqayn doonto.

Golaha wasiirrada ayaa ansixiyey odoros miisaaniyadeed oo cadadkeedu dhan yahay SlSh 1 687 000 000 000 ((Hal trillion, lix Boqol iyo Siddeetan iyo Toddoba Bilyan), SL shilling waxaanay golaha wasiirradu sheegeen in odoros miisaaniyadeedkani ka badan yahay kii sannadkii hore  9% marka loo dhigo tirade boqolleyda.

Hase yeeshee odoros miisaaniyadeedkan ay golaha wasiirrada madaxwayne Biixi ansixiyeen ayaa ka hooseeya kii sannadkii hore la sameeyey waxaana  u dhexeeya farqi ku dhaw shan boqol oo bilyan oo shillinka Somaliland.

Oddoroska Miisaaniyaddii 2017 ayaa cadadkiisu dhammaa SlSh. 2 175 104 355 662 (labo trillion, boqol iyo shan iyo toddobaatan bilyan, boqol iyo afar malyan, saddex boqol iyo shan iyo konton kun, iyo lix boqol iyo labo iyo lixdan shilling), taasoo ka dhigan in miisaaniyadani ka yar tahay tii hore yahay 488 104 355 662 (afar boqol siddeetan iyo siddeed bilyan, boqol iyo afar milyan, saddex boqol konton iyo shan kun,  lix boqol iyo lixdan iyo labo), waxaanay kala jarka tirooyinkani muujinayaan in shan boqol oo bilyan oo shillinka Somaliland ahi u dhexeeyo labada miisaaniyadood isla markaana ay tii hore badan tahay.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in kala jarista labada miisaaniyadood ay ku soo baxayso (-) ama calaamadda muujinaysa in khasaare ama hoos u dhac lagu jiro.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday