Tuesday, 5 December 2017

WAR DEG DEG WARIYE MUNIIR AHMED CIGAAL OO KAHADLAY ARRIMO BADAN

 Madaxweyne Siilaanyo, midna waan qirayaa. Soo dhawayn Madaxweyne MBC midna waanfaraya..

Anigu xil wareejinta waan si qadimanaya wakhtiga kala wareega jaanis mahayo. Soomaalida ayaa ku maahmaahada “Dameer ayaa xaabo iila taagan”. Marka qofku dan leeyahay weeye . Ana fasaxa dhulka rer Galbeedku ay dhawaan galidoonaan ayaan ana Qoyska fasax gaynayaa oo aan muddo ka maqnaa. Marka waynu yara kala mashquulayna axsaabtayda waji buuga aanu degal wadaagta ku nahay sidaa daradeed waan sii qadimanaya hal dhaanwade oo aan labada Madaxweyne midba gaar u oranaayo.

Mud Axmed Maxamed Maxamuud Aadan (Siilaanyo) qarni badhkii oo buura ah ayuu siyaasadda ku soo jiray si wanaagsan ayaynu u sagootiyayna, mid waan qirayaa inuu Dadkiisa iyo Dalkiisa waxbadan gashaday, haday tahay Halgankii uu hormuudka u aha, dibushiskii Dalka oo uu doorweyn ka soo qaatay iyo taabo galintii nidaamka Xisbiyada badan oo uu aha atoorihii la ciyaarayay Daahir Rayaale Kaahin oo hirgaliyay wixii Madaxweyne Cigaal sii abqaalay oo ahayd in Xisbiyo loo tartamo. 

Muddadii xilka Madaxweyanaha uu hayay Mud. Siilaanyo oo 7-sanno baarka ka goysay alleylehe wax wuu qabtay waanay u qorantahay wixii qabsoomay. Waxaan  kaloo qirayaa in ay wax badani qaldameen, waxanan ka xusi kara dabacii  badnaa ee galay dawladnimada, in rer taliyo oo markii ugu horaysay Somaliland laga dareemay taana waan qirayaa, waxaana abuuritaanka tuhunkaas unkay Wasiiradii ay Madaxweynaha isku degaanka ka soo jeeden. Xirsi Cali Xaji Xasan, Maxamuud Xaashi Cabdi , Cali Xasan Maxamed, Xuseen Cabdi Ducaale iyo Cali Siciid Raygal.

Waxa kaloo dhacday in afarta Wasiirba aanay dhicin muddo xileedkii Madaxweynaha marka laga reebo Xirsi oo iscasilay, waxa kaloo dhacday inay afarta Wasiirba afar guri oo dawladu leedahay qaateen siday doonaanba haku mulkiyaane taasina way dhacday.

Waxa kaloo muddo xileedka dhacay faro farayn badan oo Wasiirada Madaxweynaha ay isku degaanka yihiin iyo xubno badan oo qoyska ah kaga timi hantidii dhexda u ahayd Ummadda.  Wasiirada degaanka Madaxweynaha oo kaliya ma ahayn ee Jeegaantu maaamulka way ku dhex jirtay, Wasiirada Dhanka kale ayaa kaalinta labaad ku jiray. Wasiirka Maaliyadu Beerweyn ayay hantiday intaan ogahay, Wasiir Cabdicasiis Maxamed Samaale 3-sanno ayuu aha Raysal Waasaraha lacagta Dalka, maalintii uu tagaayayna 350- shaqaale ah oo degaankiisa ah ayuu maaliyada qoray Daraja (A) siiyay, Wasiir Samsam Cabdi Aadana waa ku raacday. 

Xilalka looma sinayn oo qandaraasyada looma sinayn. Xaji Cabdi Aadan oo Wasiirka Maaliyada ay walaalo yihiin Iyo Jimcaale Maxamed Faarax oo ay Safiirka Imaraadka saxiib yihiin iyo  inbadan oo kale Somaliland ta kale ee aan jeegaanta ahayn ulamay sinayn. Ku dheeraan maayo Jeegaantu maamulkii Madaxweyne Siilaanyo way shaqaynaysay waanay ka badsatay Beelaha kale . Harti, Gabooye, Garxajis, Madigaan, Gahayle, Samaroon, Ciise, Ayuub iyo Toljecle, Arab Wayne iyo in badan oo kale oo aanan halkan ku soo koobi karaynba jeeganta kama mid ahayn waana laga bursaday.

Ma jeclayn inay markale soo noqoto oo waliba Gacanta Madaxweyne Siilaanyo ku soo noqoto wayse dhacday.  Mud. Siilaanyo waxaan leeyahay Alle cimriga haku barakeeyo tariikhdana waad gashay si waliba cimrigi Alle kugu simay oo dheer,  xumaan iyo samaana way imanaysa wakhtigaas dheer lakiin mid kamid ah halyeeyadii labada Qarani ciidamiyay ayaad kamid tahay safkii adiga Iyo Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal umalayn maayo inay Somaliland dib u helayso ..

Xogahaas aan sheegay waxay afeef u yihiin Madaxweynaha cusub Mud. Muuse Biixi Cabdi Xildiid. Waa Mujaahid aan Dalka ka bixin 35-Kii sanno ee u danbeeyay siduu ololahaba Ku galay. Gariirad kasta oo laguu dhigay Madaxweyne ka soo gudubtay si kasta uga gudubo, mar haddii aad maanta taha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee shanaad. Horta waan kugu ducaynayaa xilkaas alle hakula qabto wax hawlyar mahee waa halkii aad waligaa doonaysay. Midbaadse ogaanaysa. Ummadda waxa ku jirta in Muuse Biixi Cabdi yahay nin aan maalin kalihin intii halganka ka danbaysay marka laga reebo labadii sanno ee Wasiirka aad ahayd, hadana aad tahay ninka ugu guryaha badan Baxsane dabadii magaalada Hargaysa, horta tuhunkaas hore ku maydh muddo xileedkaaga maanta fursad aad mar labaad isku barto Ummadda ayaad haysataaye oo la dagaalan musuq maasuqa gurashada shilimaadka danyarta iyo xatooyo kasta danbi dhaaf ayaad ku heline.  2 . Waxay bulsho badani qabtaa  oo dadbani qabaan beeshada oo alle barakeeyay markeeda horeba ileen waa Awal Ayaanle  inay wax badan haystaan oo dhaqaale leh, oo xilal leh oo Caasimadda intii shidnayd ee dhulkeedu qaaliga aha leh, oo tijaar leh oo hoggaanka Ciidamadda leh oo shaqaalaha dawlada inta badan leh . Anigu malihi waxay xaq u leeyihiin ka qaad lakiin wax sadbursiimo ah hasiin. Xukuumaddi Siilaanyo ayaa dadka ka sii qaylinayse agtaadana waliba ka dheere, wixii eed ah adigu kaligaa qaado oo yaanay cidi kula wadaagin.

Mida ugu danbaysa Madaxweyne abtiyaashay amma Garxajis Xisbigoodi waynu isugu tagnay oo ridnay waxay ka filayaan cadaalad bahasha jeegaanta ahna fadlan ka ilaali, Darafyada Awdal iyo Sool dumanayaasha dahsoon ee danyarta iyo Gabooyaha iyo Tumaalaha intaba hoos u eeg.. Adigaa xaq u leh aday ka godaa lakiin fadlan Wasiiradii hore hanagu soo celin. Labada heshiis ee Dekeda iyo Saldhiga Millatari midkasta dib u eeg waxbadan oo khaldan ayaa ku jiree.

Aniga iyo Intii aan KULMIYE aha. Qaarba laga yaaba inay i tuhmaan oo yidhaahdan Muniir wasiir hebel ayaa waxtaray. Anigu  maanta ayaan idin sheegaya wixii ugu weyna ee aan Somaliland ka helo bogcad yar ayay ahayd taana Walle Maxamed Aw Siciid iyo Maayarka Hargaysa Cabdiraxmaan Soltelco ayaa itaray oo aan ugu abaal haya. Sow warcad Maha laysma tuhmaan.  Shaqaale hosaadna waan aha mushahar kooban qaata. Markii danbena xadhigaygii iyo sidaan ku tagay waynu isla soconay. Labada qodob ayaan kaga sii tagaya labada Madaxweyne ee isbadalaaya..


Monday, 27 November 2017

WAR DEG DEG AH 
SIYAASI MOHAMED YASIIN AYAA KAWARBIXINAYA XIDHIGII +CIDKADANBAYSAY

AFGEMBIGII DHICISOOBAY EE WASIIRKA MADAXTOOYADA.
--
-

Waxa aan si nabad ah ku imi London saaka subaxnimadii.

Raggii iyo Dumarkii i taageeray intii aan xidhnaa si gaar ah ayaan ugu mahad celinayaa.

Xadhigaygii waxa ka danbeeyay Wasiirka Madaxtooyada Mohamud Hashi oo adeegsanaya Gen.Fadal, Taliyaha
Ciidanka Boliska.

Waxa aan cadaynayaa in aan Komishanka, Xeer Ilaalin, Maxkamad iyo Qof kale oo Somalilander ahi ku lug lahayn xadhigayga.

Waxa uu ka bilaabmay kuna dhamaaday Mohamud Hashi iyo Fadal iyo Intii Muse hore u miinayn jiray.

Waxana uu ahaa qorshe lagu abuurayay dagaal sokeeye oo dhexmara Beelaha Muse iyo Ciro.

Markaa kadib na Saleeban Gaal wadanka loo dhiibo si Kursiga loogu sii fadhiyo.

Afgembigaasi wuu fashilmay, waxana fashiliyay waxgardka labada Beelood iyo Safiirada EU iyo USA, oo ah Wadamada daneeya Somaliland.

Warkii dhabta ahaa ee arrintan iyo Dalka dhowaan baan TV yada soo dhigayaa ee la socda.

Tuesday, 10 October 2017

MUSHARAX XISBIGA WADANI IYO MADAXDA SAR SARE EE XISBIGA AYAA GALABTA KA ANBABAXAY MAGALAD HARGAYSA

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, waxa uu galabta ka dhoofay Madaarka Hargeysa ka dib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay raysal wasaaraha dalka Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn.
Murashax Cirro, ayaa waxa socdaalka kula wehelinaaya hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, Pro.Maxamed Alla-bari oo ka mid ah hoggaanka sare ee WADDANI, Xoghayaha arrimaha dibadda WADDANI Dr.Maxamed Cismaan Fadal iyo weli ba sida oo kale madaxa hawl-wadeenada ee Murashaxa WADDANI Aqoonyahan Baashe.

Weftigu, waxa ay socdaal dhowr maalmood ah ugu maqnaan doonaan dalka Itoobiya iyaga oo kulamo la qaadan doona raysal wasaaraha dalkaasi iyo madaxda dalke ee dalka Itoobiya isla jeerkaas na ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo khuseeya labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya iyo weli ba sida oo kale arrimaha doorashooyinka ee ku soo foodka leh dalka.

Monday, 9 October 2017

KHIYAAMADA KULMIYE IYO KHATARTA DOORASHADA.........................#FIIRO_GAAR_AH

KHIYAAMADA KULMIYE IYO KHATARTA DOORASHADA......................#FIIRO_GAAR_AH
(MADAYS MEDIA NEWS)
Khiyaamadii ugu waynayd oo haddii ay dhaboowdo doorashada khatar ku ah, waayo Kulmiye oo dhufaysyadii hore ku darsada "Gudoomiyaha Sare ee doorashooyinka maamulka muraqibiinta caalamiga ah in loo magacaabo sarkaalkan dhuuxa ka taageera Kulmiye waa arrin halis ah.

Waakuma Councillor Abdifatah Nur Adan (Nur Bitig).? Councillor waa shaqsi aad u taageeraa xisbiga Kulmiye iyo garabka Muse Bixi, waxa ay inaadeer yihiin wasiirka arrimaha dibada Sacad Cali Shire, kana shaqeeyay in #Bitig  ku guulaysto booskaa oo noqdo madaxa muraaqibiinta caalamiga ah.

Councillor Abdifatah Nur Adan (Nur Bitig) oo ah xildhibaan ruug cadaa ah oo degan Magalada London, ayaa dowlada Ingriiska, Commissionka iyo maamulka Somaliland ay ku wadaan in ay u magacaaban Gudoomiyaha sare ee doorashooyinka iyo maamulka muraqibitiin (observorska).

Caalamka oo Somaliland ka caawiyay 2000 oo muraaqib ama (observors) ah inay ka qayb qaataan doorashada ayaa haddii ay u gacan gasho shaqsi u janjeedha xisbiga Kulmiye uu noqondoonaa hal bacaad lagu lisay, Kulmiye oo hore u sii haystay dhamaan dhufaysyada ayaa haddii wiilkaasi ku guulaysto gudoomiyenimadana ay noqon doontaa mid dhinaca Kulmiye u xaglisa.  Xildhibaankan oo la filayo inuu shirar kala duwan la yeelsho dawlada muraqibiinta, commissionka, xisbiyada iyo ururada SONSOF iyo akaademiyada ayaa haddii aan dhamaan si dheeli tirwan lagu samayn ay fashil ku dhamaan doonaan.

Sunday, 8 October 2017

DAAWO: Amb : Ahmed Safiina Oo ah Xog_hayaha Xidhiidhka Dawladaha Carabta iyo Wadamada Islaamka Ee Xisbiga WADDANI Oo Beeniyay Inuu Ka Baxay Xisbiga WADDANI Halkan Hoose Ka Daawo

DAAWO: Amb : Ahmed Safiina Oo ah Xog_hayaha Xidhiidhka Dawladaha Carabta iyo Wadamada Islaamka Ee Xisbiga WADDANI Oo Beeniyay Inuu Ka Baxay Xisbiga WADDANI

Halkan Hoose Ka Daawo


Thursday, 5 October 2017

HEESTA SAMAWATAHA EREYADII ABWAAN YASIIN DHOOLCASE

https://youtu.be/erOzW8fDfzE

DAAWO SIDII LOO SOO DHAWEEYEY XISBIGA WADANI

LA CASARIYEE SAAB TV

https://youtu.be/6TtXWsJrGdQ

AFARAYDII SULDAAN XASAN S/CABDILAHI Ee Beelaha Somaliland

AFARAYDII SULDAAN XASAN S/CABDILAHI Ee Beelaha Somaliland
Loogu kala Abtirinayay iyo ujeedada Dhabta Ah Ee Uu Gabaygu XAMBAARSANAA kasoo U Eekaa In uu Ka soo Maxaaday Maskaxdii Muuse Jaahil Waxaanu u dhignaa Sidatan:- ■Awal inuu Sharaxanyahay Cidi Ma idiin Sheegtay ■Habar jecelo In Ay Awal U hogaansantahay Cidi Ma idiin Sheegtay ■Arab in aanu gadanayno Cidi Ma idiin Sheegtay ■Ciidagale inuu Guunyo Rabo Cidi Madiin Sheegtay ■Samaroon In Caqliga Laga Haysto Cidi Ma idiin Sheegtay ■Ayuub in aanu awood Lahayn cidi Ma idiin Sheegtay ■Beesha Ciise in ay Calanka awal Sido Cidi Ma idiin Sheegtay ■Gabooye in aan Galabtaba Guumaystay cidi Ma idiin Sheegtay ■Harti in Aan Hawl Yaraan Ugu shubanay Cidi Ma kuu Sheegtay ■Habaryoonis in Hawada Laga Saaray Cidi Ma Idiin Sheegtay

cali guray oo kadeeriyey xisbiga kulmiye iyo musharaxa muuse biixi

Xoghayaha warfaafinta xisbiga wadani ee Laanta Austria

xoghayaha warfaafinta xisbiga wadaniee laanta austria ayaa sheegay inay hawlaha ay meel wacan umarayaa xoghaye abdirisaaq cilmi ayaa isagoo hadalkiisa sii wata kudaray in uu barnaamijka xisbiga kulmiye yahay mid qayb kamida laga xaday ka wadani

wadani oo isku shandhay ku sameeyey xubnaha fulinta

wararhadana soo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in isku shandhay xisbiga lagu sameeyey