Monday, 9 October 2017

KHIYAAMADA KULMIYE IYO KHATARTA DOORASHADA.........................#FIIRO_GAAR_AH

KHIYAAMADA KULMIYE IYO KHATARTA DOORASHADA......................#FIIRO_GAAR_AH
(MADAYS MEDIA NEWS)
Khiyaamadii ugu waynayd oo haddii ay dhaboowdo doorashada khatar ku ah, waayo Kulmiye oo dhufaysyadii hore ku darsada "Gudoomiyaha Sare ee doorashooyinka maamulka muraqibiinta caalamiga ah in loo magacaabo sarkaalkan dhuuxa ka taageera Kulmiye waa arrin halis ah.

Waakuma Councillor Abdifatah Nur Adan (Nur Bitig).? Councillor waa shaqsi aad u taageeraa xisbiga Kulmiye iyo garabka Muse Bixi, waxa ay inaadeer yihiin wasiirka arrimaha dibada Sacad Cali Shire, kana shaqeeyay in #Bitig  ku guulaysto booskaa oo noqdo madaxa muraaqibiinta caalamiga ah.

Councillor Abdifatah Nur Adan (Nur Bitig) oo ah xildhibaan ruug cadaa ah oo degan Magalada London, ayaa dowlada Ingriiska, Commissionka iyo maamulka Somaliland ay ku wadaan in ay u magacaaban Gudoomiyaha sare ee doorashooyinka iyo maamulka muraqibitiin (observorska).

Caalamka oo Somaliland ka caawiyay 2000 oo muraaqib ama (observors) ah inay ka qayb qaataan doorashada ayaa haddii ay u gacan gasho shaqsi u janjeedha xisbiga Kulmiye uu noqondoonaa hal bacaad lagu lisay, Kulmiye oo hore u sii haystay dhamaan dhufaysyada ayaa haddii wiilkaasi ku guulaysto gudoomiyenimadana ay noqon doontaa mid dhinaca Kulmiye u xaglisa.  Xildhibaankan oo la filayo inuu shirar kala duwan la yeelsho dawlada muraqibiinta, commissionka, xisbiyada iyo ururada SONSOF iyo akaademiyada ayaa haddii aan dhamaan si dheeli tirwan lagu samayn ay fashil ku dhamaan doonaan.

No comments:

Post a Comment