Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, waxa uu galabta ka dhoofay Madaarka Hargeysa ka dib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay raysal wasaaraha dalka Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn.
Murashax Cirro, ayaa waxa socdaalka kula wehelinaaya hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, Pro.Maxamed Alla-bari oo ka mid ah hoggaanka sare ee WADDANI, Xoghayaha arrimaha dibadda WADDANI Dr.Maxamed Cismaan Fadal iyo weli ba sida oo kale madaxa hawl-wadeenada ee Murashaxa WADDANI Aqoonyahan Baashe.
Weftigu, waxa ay socdaal dhowr maalmood ah ugu maqnaan doonaan dalka Itoobiya iyaga oo kulamo la qaadan doona raysal wasaaraha dalkaasi iyo madaxda dalke ee dalka Itoobiya isla jeerkaas na ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo khuseeya labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya iyo weli ba sida oo kale arrimaha doorashooyinka ee ku soo foodka leh dalka.

No comments:
Post a Comment