WAR DEG DEG AH
SIYAASI MOHAMED YASIIN AYAA KAWARBIXINAYA XIDHIGII +CIDKADANBAYSAY
AFGEMBIGII DHICISOOBAY EE WASIIRKA MADAXTOOYADA.
--
-
Waxa aan si nabad ah ku imi London saaka subaxnimadii.
Raggii iyo Dumarkii i taageeray intii aan xidhnaa si gaar ah ayaan ugu mahad celinayaa.
Xadhigaygii waxa ka danbeeyay Wasiirka Madaxtooyada Mohamud Hashi oo adeegsanaya Gen.Fadal, Taliyaha
Ciidanka Boliska.
Waxa aan cadaynayaa in aan Komishanka, Xeer Ilaalin, Maxkamad iyo Qof kale oo Somalilander ahi ku lug lahayn xadhigayga.
Waxa uu ka bilaabmay kuna dhamaaday Mohamud Hashi iyo Fadal iyo Intii Muse hore u miinayn jiray.
Waxana uu ahaa qorshe lagu abuurayay dagaal sokeeye oo dhexmara Beelaha Muse iyo Ciro.
Markaa kadib na Saleeban Gaal wadanka loo dhiibo si Kursiga loogu sii fadhiyo.
Afgembigaasi wuu fashilmay, waxana fashiliyay waxgardka labada Beelood iyo Safiirada EU iyo USA, oo ah Wadamada daneeya Somaliland.
Warkii dhabta ahaa ee arrintan iyo Dalka dhowaan baan TV yada soo dhigayaa ee la socda.

No comments:
Post a Comment