Tuesday, 10 October 2017

MUSHARAX XISBIGA WADANI IYO MADAXDA SAR SARE EE XISBIGA AYAA GALABTA KA ANBABAXAY MAGALAD HARGAYSA

Murashaxa Madaxweynaha WADDANI, waxa uu galabta ka dhoofay Madaarka Hargeysa ka dib marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay raysal wasaaraha dalka Itoobiya Mr. Hailemariam Desalegn.
Murashax Cirro, ayaa waxa socdaalka kula wehelinaaya hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Md.Xirsi Cali Xaaji Xasan, Pro.Maxamed Alla-bari oo ka mid ah hoggaanka sare ee WADDANI, Xoghayaha arrimaha dibadda WADDANI Dr.Maxamed Cismaan Fadal iyo weli ba sida oo kale madaxa hawl-wadeenada ee Murashaxa WADDANI Aqoonyahan Baashe.

Weftigu, waxa ay socdaal dhowr maalmood ah ugu maqnaan doonaan dalka Itoobiya iyaga oo kulamo la qaadan doona raysal wasaaraha dalkaasi iyo madaxda dalke ee dalka Itoobiya isla jeerkaas na ay ka wada hadli doonaan arrimo badan oo khuseeya labada dhinac ee Somaliland iyo Itoobiya iyo weli ba sida oo kale arrimaha doorashooyinka ee ku soo foodka leh dalka.

Monday, 9 October 2017

KHIYAAMADA KULMIYE IYO KHATARTA DOORASHADA.........................#FIIRO_GAAR_AH

KHIYAAMADA KULMIYE IYO KHATARTA DOORASHADA......................#FIIRO_GAAR_AH
(MADAYS MEDIA NEWS)
Khiyaamadii ugu waynayd oo haddii ay dhaboowdo doorashada khatar ku ah, waayo Kulmiye oo dhufaysyadii hore ku darsada "Gudoomiyaha Sare ee doorashooyinka maamulka muraqibiinta caalamiga ah in loo magacaabo sarkaalkan dhuuxa ka taageera Kulmiye waa arrin halis ah.

Waakuma Councillor Abdifatah Nur Adan (Nur Bitig).? Councillor waa shaqsi aad u taageeraa xisbiga Kulmiye iyo garabka Muse Bixi, waxa ay inaadeer yihiin wasiirka arrimaha dibada Sacad Cali Shire, kana shaqeeyay in #Bitig  ku guulaysto booskaa oo noqdo madaxa muraaqibiinta caalamiga ah.

Councillor Abdifatah Nur Adan (Nur Bitig) oo ah xildhibaan ruug cadaa ah oo degan Magalada London, ayaa dowlada Ingriiska, Commissionka iyo maamulka Somaliland ay ku wadaan in ay u magacaaban Gudoomiyaha sare ee doorashooyinka iyo maamulka muraqibitiin (observorska).

Caalamka oo Somaliland ka caawiyay 2000 oo muraaqib ama (observors) ah inay ka qayb qaataan doorashada ayaa haddii ay u gacan gasho shaqsi u janjeedha xisbiga Kulmiye uu noqondoonaa hal bacaad lagu lisay, Kulmiye oo hore u sii haystay dhamaan dhufaysyada ayaa haddii wiilkaasi ku guulaysto gudoomiyenimadana ay noqon doontaa mid dhinaca Kulmiye u xaglisa.  Xildhibaankan oo la filayo inuu shirar kala duwan la yeelsho dawlada muraqibiinta, commissionka, xisbiyada iyo ururada SONSOF iyo akaademiyada ayaa haddii aan dhamaan si dheeli tirwan lagu samayn ay fashil ku dhamaan doonaan.

Sunday, 8 October 2017

DAAWO: Amb : Ahmed Safiina Oo ah Xog_hayaha Xidhiidhka Dawladaha Carabta iyo Wadamada Islaamka Ee Xisbiga WADDANI Oo Beeniyay Inuu Ka Baxay Xisbiga WADDANI Halkan Hoose Ka Daawo

DAAWO: Amb : Ahmed Safiina Oo ah Xog_hayaha Xidhiidhka Dawladaha Carabta iyo Wadamada Islaamka Ee Xisbiga WADDANI Oo Beeniyay Inuu Ka Baxay Xisbiga WADDANI

Halkan Hoose Ka Daawo


Thursday, 5 October 2017

HEESTA SAMAWATAHA EREYADII ABWAAN YASIIN DHOOLCASE

https://youtu.be/erOzW8fDfzE

DAAWO SIDII LOO SOO DHAWEEYEY XISBIGA WADANI

LA CASARIYEE SAAB TV

https://youtu.be/6TtXWsJrGdQ

AFARAYDII SULDAAN XASAN S/CABDILAHI Ee Beelaha Somaliland

AFARAYDII SULDAAN XASAN S/CABDILAHI Ee Beelaha Somaliland
Loogu kala Abtirinayay iyo ujeedada Dhabta Ah Ee Uu Gabaygu XAMBAARSANAA kasoo U Eekaa In uu Ka soo Maxaaday Maskaxdii Muuse Jaahil Waxaanu u dhignaa Sidatan:- ■Awal inuu Sharaxanyahay Cidi Ma idiin Sheegtay ■Habar jecelo In Ay Awal U hogaansantahay Cidi Ma idiin Sheegtay ■Arab in aanu gadanayno Cidi Ma idiin Sheegtay ■Ciidagale inuu Guunyo Rabo Cidi Madiin Sheegtay ■Samaroon In Caqliga Laga Haysto Cidi Ma idiin Sheegtay ■Ayuub in aanu awood Lahayn cidi Ma idiin Sheegtay ■Beesha Ciise in ay Calanka awal Sido Cidi Ma idiin Sheegtay ■Gabooye in aan Galabtaba Guumaystay cidi Ma idiin Sheegtay ■Harti in Aan Hawl Yaraan Ugu shubanay Cidi Ma kuu Sheegtay ■Habaryoonis in Hawada Laga Saaray Cidi Ma Idiin Sheegtay

cali guray oo kadeeriyey xisbiga kulmiye iyo musharaxa muuse biixi

Xoghayaha warfaafinta xisbiga wadani ee Laanta Austria

xoghayaha warfaafinta xisbiga wadaniee laanta austria ayaa sheegay inay hawlaha ay meel wacan umarayaa xoghaye abdirisaaq cilmi ayaa isagoo hadalkiisa sii wata kudaray in uu barnaamijka xisbiga kulmiye yahay mid qayb kamida laga xaday ka wadani

wadani oo isku shandhay ku sameeyey xubnaha fulinta

wararhadana soo gaadhaya ayaa waxay sheegayaan in isku shandhay xisbiga lagu sameeyey