Friday, 25 May 2018

WAR Deg Deg ah Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo Kulan Laqatay Wasaarad Arrimaha Debeda Dalka Sweden

Waxaan Manta la kulaney dowladda Sweden gaar ahaan wasaradda ARIMAHA DIBADDA, qeybta qaabilsan GEESKA Africa.

Waxan iska  xogwareysaney arimaha somaliland gaar ahaan

Qadiyadda somaliland
Arimaha nabad galyadda
Arimaha dorashoyinka Mustaqbalka.
Xaquuqal insaanka

Waxaan aad dowladda Sweden u sharaxay qadiyadda Dagaalka sababtey ee degaanka tukaraq

Inuu yahey mid ku saleysan xadudda Somaliland. Taaso ah in somaliland ciidankeedu joogaan ciidoodii. Tukaraq juquraafi ahaan Waa somaliland. Marka laga hadlayo xududaha Africa.

Waxaan u sheegey in SOMAILAND NABAD galyo diyaar u tahey iney kula nolaato dowlaha deriska sidda Somalia, Jabuti, Ethiopia, Kenya iyo dhamaan dowlahaa caalamka.

NABAD GALYADDU WAA GOGOSHA RAGA
WAXAANU UGU BAAQEYNA IN NABAD GALYO LAGU WADDA NOLAADDO

Waxaan. Shacabka Somaliland ugu baqaya iney Ciidanka Qaranka tageraan, Wax walba
Oo awoodooda ah si ey u gutaan waajibaadkooda qaran.

Waxaan dowlaha Somalia ugu baaqayaa in nabad galyaddu tahey midda qudha ee eynu ku wadda nolaan karno.

Shacabka Somaliland Waxaan ugu baaqaya jiritaanka dalkeena ayaa ka horeeya Wax walba oo eynu ku kala duwanahey

Ramadan kariim
Somaliland Ha Nolaato
Snp Envoy Abdirizak Diinaari

Sunday, 8 April 2018

DEG DEG G.RAMAAX OO HADA KUDHAWAAQAY XISBIGA UU KUBIIRAY

Ramaax wali muu fahmin halka exactly laga raacaye kkk waxaan doonayaa simply inaan fahamsiiyo halkay daaran tahay kuna Aroorto maaha meelahas ka daydayaysoba.
Waxay isleeyihiin oo aaminsan yihiin askarta kulmiye ee dhacday dalka iyo qaranka Somaliland oo idilba shacban wa dawlatan .
Waatan xaaladu soo yara kululaatay oo shacabkii Somaliland iyo beelihii dawladan wada dhistay tooseene.si aanay dagaal idiinku ridin waxa ridi karaaya mujaahid axmed mire iyo mujaahid dhegawayne eh cid ehelkooda ah ama xigto dhaw ay yihiin xilal dawladiina uga magacaaba waliba caameeya oo haydiinku habtadaan sidaas simply Waa intaas waxay moodayaan inay Shacbiga Somaliland ee ay
dulmiyeen/dulmiyayaan inay labadaa nin oo Kali ahi bakhtiin Karayaan oo isku daayoo haydin dulmaane sidaa ugu dulqaata oo xilal ayay xigtadayadii ayay noo siiyeene kkk ma oga in shacbiga Somaliland maanta wada yahay hogaamiye dagaal oo waliba kaartada ay dhigaana ay ka casrisan tahay toodii duuga ahayd. Ramaaxow adeero dhegawayne walaalkii ayaa laguugu bedelay kaarto kale ahaane horta ogow midaas oo macnaha laga leeyahay iyo wakhtiga lajoogona dhab u fiirso halka xaalada gudaha iyo dareemada shacbiwaynaha Somaliland maraayo.
Hadii muuse biixi cid u maqlaayo cid kale iyo dacwadayn iyo waxaas waxuu u maqli lahaa wasiirka warfaafinta GURI BAEWAAQO/GUBTAY oo shacabka
Somaliland gudo iyo debedba dacwadiisa iyo qayladiisu cirkaa gaadhay markaa fahan oo laqabso ayaan kuleeyahay aad iyo aadbaanu u fahamsanahay talaabooyinka ay askarta xooga shacabka Somaliland ku haysata dawladoodu ay qaadayso. We are the higher standard intelligences of Somaliland country
Bal haloo wada joogo waxay u gooyaane Waa intaas halka lahaa raacay. Ramaax ayaa too hore lasoo shaqeeyay oo qoyay iyo badhasaabo is galay waxyaalahaas weeyaan maba laha askartu fikirkan xorta ah ee ay wax ugu badheedhi karayaane Waa loo yeedhiyaa.meelo kale Allah xaal og.

DEG DEG MD JAWHARI OO HADA ISCASILAY IYO XUKUMADA OO KUFARAXDAY 08 04 2018


Saturday, 7 April 2018

Kulanka Baarlamaanka oo baaqday iyo guddoomiye Jawaari oo Maxkamad lasoo taagayo.

Kulanka Baarlamaanka oo baaqday iyo guddoomiye Jawaari oo Maxkamad lasoo taagayo.

Wararka ka imaanaya magaalada muqdisho ayaa sheegaya in kulanka Baarlamaanka ee maanta la qorsheynayay uu u baaqday  cillado farsamo awgood.

Dhanka kale Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka careysan ciidamadii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari arbacadii kula wareegay xarunta Baarlamaanka ayaa sheegay in dacwad ka dhan ah u gudbinayaan Hay’adaha Garsoorka dalka.

Xildhibaan Daahir Amiin  Jeesow ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka  in uu la mid yahay isagoo laayay dhammaan Xildhibaanada Baarlamaanka Bacdamaa uu xusay in Ciidan hubeysan uu gudaha ula galay lana wareegay xarunta Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay Jeesow in habdhaqankaasi uu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka aan looga hari doonin, waxa uuna caddeeyay Dacwad arintaasi ka dhan ah in ay u gudbinayaan Hay’adaha Garsoorka dalka.

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in falkii uu dhawaan sameeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka in aysan sameyn xitaa Hoggaamiyo kooxeedyadii dalka xoogga ku heystay aadna u hubeesnaa.

” Guddoomiye Jawaari oo aan ku ogeyn xilkasnimo iyo odaynimo falkii uu sameeyay waxa ay aheyd mid laga xumaado, sida uu Arbacadii Jawaari u dhaqmay xitaa uma aysan dhaqmin Hoggaamiyo kooxeedyadii xilli maamuli jiray Muqdisho” Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arbacii xarunta Baarlamaanka xoog kula galay Ciidamo badan oo aad u hubeysan, waxaana falkaasi uu sabab u noqday in uu baaqdo kulankii Baarlamaanku yeelan lahaa .
MADAYS MEDIA PRODUCTION
ABDIRISAAQ XASAN :Admin

Friday, 6 April 2018

NEW SONG NADIIRA NAYRUUS OO HEES KU KARBAASHTAY FANANKA REER HARGAYSA CABDI YARE 2018


WAR DEG DEG AH QARAXYO GILGILAY MAGAALADA MUQDISHO + CIDAKADANBAYSA

   WAR DEG DEG AH QARAXYO GILGILAY                                               
siday wararku nugu soo gaadhay waxa la sheegaya inay qaraxyo ka dheceen magalada MUQDISHO
madays media production

Saturday, 31 March 2018

WARARKII UGU DANBEYEY SOMALIYA IYO                              CAALAMKA
                MADAYS MEDIA NEWS

Wednesday, 28 March 2018

HEESTA SANAD KA DAWASHO WACAN 2018


HEESTA CUSUB EE ASAL ISGUURSADAY MAXAMED BK 2018

 HEESTA  CUSUB EE ASAL ISGUURSADAY
                 MAXAMED BK

Qooto qooto qaybteedii 43 aad qosolkii aduunka daawasho wacan


QOOTO QOOTO QAYBTII UGU QOSOLKA WAALNAYD

QOOTO QOOTO QAYBTII UGU QOSOLKA                                WAALNAYD

waa qalinkii saxafi muniir Ahmed cigaal

QALINKII MUNIIR AHMED CIGAAL: Ma Hoos hoos ayaa loo socda mise hore..?. Walle Waxan ka baqayaa inaynu qaadno sidii Nakruuma. “Dibaa loo noqonayaa wa la noqonayaa “..

Odaygii Xaji Muuse sowtan durba xisaabti ka khaldantay. Kuye Miisaniyadi hore mid ka badan ayaan keenay hadana way ka hoosaysa.. Bla ila eeg..


Hoos U Dhaca Ka Muuqda Odoroska Miisaaniyadda Sannadka 2018 oo Ay Shalay Wasiirradu Ansixiyeen.

Xukuumaddu waxay sheegtay in miisaaniyaddani ka badan tahay tii hore, hase yeeshee xaqiiqda ayaa sidaas ka duwan.

Hargeysa (Somalilandtoday)-Golaha Wasiirrada ee Somaliland ayaa maalintii shalay ku dhawaaqay inay ansixiyeen oddoroska miisaaniyadda 2018 ee xukuumadda Somaliland ku shaqayn doonto.

Golaha wasiirrada ayaa ansixiyey odoros miisaaniyadeed oo cadadkeedu dhan yahay SlSh 1 687 000 000 000 ((Hal trillion, lix Boqol iyo Siddeetan iyo Toddoba Bilyan), SL shilling waxaanay golaha wasiirradu sheegeen in odoros miisaaniyadeedkani ka badan yahay kii sannadkii hore  9% marka loo dhigo tirade boqolleyda.

Hase yeeshee odoros miisaaniyadeedkan ay golaha wasiirrada madaxwayne Biixi ansixiyeen ayaa ka hooseeya kii sannadkii hore la sameeyey waxaana  u dhexeeya farqi ku dhaw shan boqol oo bilyan oo shillinka Somaliland.

Oddoroska Miisaaniyaddii 2017 ayaa cadadkiisu dhammaa SlSh. 2 175 104 355 662 (labo trillion, boqol iyo shan iyo toddobaatan bilyan, boqol iyo afar malyan, saddex boqol iyo shan iyo konton kun, iyo lix boqol iyo labo iyo lixdan shilling), taasoo ka dhigan in miisaaniyadani ka yar tahay tii hore yahay 488 104 355 662 (afar boqol siddeetan iyo siddeed bilyan, boqol iyo afar milyan, saddex boqol konton iyo shan kun,  lix boqol iyo lixdan iyo labo), waxaanay kala jarka tirooyinkani muujinayaan in shan boqol oo bilyan oo shillinka Somaliland ahi u dhexeeyo labada miisaaniyadood isla markaana ay tii hore badan tahay.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in kala jarista labada miisaaniyadood ay ku soo baxayso (-) ama calaamadda muujinaysa in khasaare ama hoos u dhac lagu jiro.

Xigasho: Wargeyska Somalilandtoday