Saturday, 7 April 2018

Kulanka Baarlamaanka oo baaqday iyo guddoomiye Jawaari oo Maxkamad lasoo taagayo.

Kulanka Baarlamaanka oo baaqday iyo guddoomiye Jawaari oo Maxkamad lasoo taagayo.

Wararka ka imaanaya magaalada muqdisho ayaa sheegaya in kulanka Baarlamaanka ee maanta la qorsheynayay uu u baaqday  cillado farsamo awgood.

Dhanka kale Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo ka careysan ciidamadii Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari arbacadii kula wareegay xarunta Baarlamaanka ayaa sheegay in dacwad ka dhan ah u gudbinayaan Hay’adaha Garsoorka dalka.

Xildhibaan Daahir Amiin  Jeesow ayaa ku eedeeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka  in uu la mid yahay isagoo laayay dhammaan Xildhibaanada Baarlamaanka Bacdamaa uu xusay in Ciidan hubeysan uu gudaha ula galay lana wareegay xarunta Baarlamaanka.

Waxa uu sheegay Jeesow in habdhaqankaasi uu sameeyay Guddoomiyaha Baarlamaanka aan looga hari doonin, waxa uuna caddeeyay Dacwad arintaasi ka dhan ah in ay u gudbinayaan Hay’adaha Garsoorka dalka.

Dhinaca kale Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegay in falkii uu dhawaan sameeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka in aysan sameyn xitaa Hoggaamiyo kooxeedyadii dalka xoogga ku heystay aadna u hubeesnaa.

” Guddoomiye Jawaari oo aan ku ogeyn xilkasnimo iyo odaynimo falkii uu sameeyay waxa ay aheyd mid laga xumaado, sida uu Arbacadii Jawaari u dhaqmay xitaa uma aysan dhaqmin Hoggaamiyo kooxeedyadii xilli maamuli jiray Muqdisho” Ayuu yiri Xildhibaan Dalxa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa arbacii xarunta Baarlamaanka xoog kula galay Ciidamo badan oo aad u hubeysan, waxaana falkaasi uu sabab u noqday in uu baaqdo kulankii Baarlamaanku yeelan lahaa .
MADAYS MEDIA PRODUCTION
ABDIRISAAQ XASAN :Admin

No comments:

Post a Comment